Muxuu yahay hubka uu Shiinaha heysto ee uu Mareykanku ka baqayo?

gantaal chinese

Xoghayaha Gaashaanshigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shalay sheegay in tallaabada uu Shiinuhu ku hormarinayo hubka hypersonic uu walaac ka abuurayo gobolka.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu wajaho khatarta uga imaanaysa Shiinaha.

Austin ayaa tegay magaalada Seoul si uu uga qeyb qaato wada hadallada ammaanka ee lala galay Kuuriyada Koofureed. Xilligaas, labada dal ayaa ka wada hadlay cabsida laga qabo dalalka deriska ah sida Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa isku dayaya inay horumariyaan hub awood leh oo dheeraad ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabineysay hubkeeda. Isla markaas, Ciidamada Shiinaha ayaa labo jeer riday gantaallo kuwaas la mid ah, kuwaas oo la ogaaday inay beegsanayaan bartilmaameedka loogu talogalay.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay tijaabadaas.

Bishii July, Shiinaha ayaa sameeyay tijaabo ay khubarradu ku sheegeen inuu yahay hubka nooca hypersonic. Inkastoo Shiinaha uu sheegay inay ahayd tijaabada hub hore oo duug ah.

Isagoo ka hadlayay tijaabadii hubka Shiinaha ee July, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin awoodda militari ee Shiinaha isagoo sababta ku sheegay inay taasi walaac ka abuureyso dalalka deriska ah.

Wuxuu soo hadal qaaday dadaallada uu Shiinuhu ku horumarinayo hubka cusub si uu u xoojiyo awooddiisa militari.

“Waan sii wadi doonnaa xoojinta awooddeenna si aan nafteenna iyo tan xulafadeennaba u difaacno waan isku diyaarin doonnaa inaan wajahno khatarta Shiinaha,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa sidoo kale horumarinaya hubka hypersonic

Bishii la soo dhaafay, Madaxa Ciidamada Mareykanka Jeneraal Mark Milley ayaa sheegay in Mareykanku uu horumarinayo hubka hypersonic.

Khubarrada ayaa aaminsan in Mareykanku uu ka walaacsan yahay in Shiinaha iyo Ruushka aysan ka baaqsan doonin horumarinta hubka.

Bishii September ee sanadkan, Mareykanka ayaa sheegay inuu ku guuleystay tijaabada hubka Hypersonic.

Hubka Hypersonic ayaa ilaa shan goor ka dheereeya dhawaqa wuxuuna ka hortagi karaa hubka hawada ku jira.

Si kastaba, khubarrada qaar ayaa sheegay in gantaallada hypersonic ay sababi karaan labo xaaladood sida inuu walaac abuuro amaba xabbad-joojin.

‘Hannaanka diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi’

Isagoo ka hadlayay Kuuriyada Waqooyi, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay in arrinta dalkaasi uu kala hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook, iyo sidoo kale iskaashiga ganacsi.

Wuxuu sheegay in dadaallada Kuuriyada Waqooyi ay walaac ammaan ka abuurayaan gobolka. Wuxuu intaas raaciyay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ay diyaar u yihiin in wada xaajood laga galo arrinta Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook ayaa sheegay in si loogu guuleysto nabad waarta oo ka dhalata gacanka Kuuriya, ay muhiim u tahay xulafadiisa inay fahmaan dadaalka Kuuriyada Koofureed.

Inkastoo xaalad dhaqaale oo ba’an ay ka jirto saameynna uu ku yeeshay xanuunka coronavirus, haddana Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday dalabka Mareykanka ee ah inay wada hadallo yeeshaan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in marka hore uu wax ka beddelo aragtidiisa ku aaddan Kuuriyada Waqooyi uuna ka qaado cunaqabateynta.

Maamulka Joe Biden, ayaa dhanka kale, sheegay in cunaqabateynadaas caalamiga ah aan la qaadi doonin ilaa Kuuriyada Waqooyi ay joojiso horumarinta hubka nukliyeerka.

Horraantii toddobaadkan, Pentagon-ka ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu xoojiyo iskaashiga dalalka uu xulafada la yahay si looga hortago khatarta militariga Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here