Muxuu yahay qorshaha Qaramada Midoobey oo ay ku gacan seyrtay dowladda Itoobiya?

ethiopia map

Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay qorshe hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ay ku dooneysay in maalinta Jimcaha ah ay ku qabato dood gaar ah oo looga hadlayo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabada ay hay’adda xuququul insaanka ee Qaramada Midoobey ku dooneyso inay ku qabato kulanka.

Dowladda ayaa ka codsatay dowladaha xubnaha ka ah hay’adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay in ay diidaan oo aysan u codeynin kal fadhigaa gaarka ah.

“Waxa laga doonayay in golahan uu diiradda saaro ayaa ah in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo tacaddiyada TPLF ay ka geysatay gobollada Canfarta iyo Amxaarada” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in kulankaa gaarka ah looga doodi doono “xaaladda daran ee xuquuqda aadanaha” ee dalkaas.

Itoobiya waxay shaacisay dabayaaqadii bishii November guddi ka shaqeyn doono baaritaanada la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigray.

Shaley ayay aheyd markii uu Mareykanka sheegay inuu aad uga walaacsanyahay warbixinada ku saabsan tacaddiyada ee la sheegay in ciidamada Tigray ay ka geysteen gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price.

“Waaxdu waxay ku boorisay dhammaan kuwa hubaysan inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxayna ku boorisay maamulka inay baaritaan ku sameeyaan eedeymaha.”

Toddobaadkii hore,Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay si kooban tobanaan qof oo rayid ah ay toogteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here