Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

muqdisho no4

Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Toogashada oo ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xaaji Shahid Kheyr-Doon.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, kuwaas oo rasaas ku furay, xilli uu ka soo baxay Masjidka Saaladii Cishe kadib.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii fulisay toogashada ay goobta isaga baxsadeen, siday inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Dhaqtar Xasan Xaayow oo caanka ahaa Yaaqshiid lagu dilay xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here