Nairobi: Maxay ka wadahadleen Deni iyo Yamamoto?

deni iyo yamamoto

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
Ambassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socda hay’adda USAID ayaa saacado ka hor ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Yamamoto ay kulankooda uga wadahadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Amniga, si gaar ah la dagaalanka argagixisada, koboca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh

Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka.

“Danjire Yamamoto wuxuu la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta horumarka gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sidoo kale Nairobi kula kulmay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay xaalada siyaasadda, Amniga iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here