Natiijada xaqiiqo raadintii xiisadda Soomaaliya iyo Kenya oo la sugayo

somalia kenya flag

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa laga war sugayay dadaal ay dowladda Jabuuti ugu jirtay dajinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Guddii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u xil saaray xaqiiqo raadinta khilaafka ayaa hadda howshooda gabagabeeyay.

Shirkii urur Goboleedka IGAD ee bishii December ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa madaxweyne Geelle loogu xil-saaray in uu ka shaqeeyo dib u dajinta xasaradda labada waddan ee dariska ah.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markaas tallaabo u qaaday arrintan, wuxuuna xushay guddi xaqiiqo raadin ah oo ay horkacayaan safiirrada Jabuuti ee Soomaaliya iyo Kenya, Aadan Xasan Aadan iyo Yaasiin Cilmi Buux.

Guddigan ayaa isbuucii ay xaqiiqo raadinta ku howlanaayeen booqashooyin ku tagay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo deegaanka xadka ee Mandheera.

“Waxaan ku horreynay Muqdisho. Halkaas waxaan u tagnay si aan u soo ogaanno qodobka ku saabsan eedda ay Soomaaliya Kenya ugu jeedisay in ciidamo lagu soo carbinayo gudaha Kenya, laakiin madaxda Soomaalidu qodobkaas aan ka fileynay waxay kusii dareen afar qodob oo kale, shantaas qodobna waan ka diiwaan galinnay,” ayuu yidhi Danjire Yaasiin Cilmi Buux.

Markii ay Soomaaliya tageen guddigu waxay la kulmeen wasiiru dowladaha xukuumadda ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Balal Maxamed Cismaan, iyo xog hayihiisa joogtada ah, Maxamed Calo-Nuur Xaaji.

Madaxda Soomaalida ayaa miiska saaray afar eed oo ay Kenya ka tabanayeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin in xukuumadda Nairobi ay “ku xad gudubtay madaxbannaanida hawada iyo badda ee Soomaaliya”, in ay taageertay “maleyshiyaad ku howlan arrimo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya” iyo in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM “ay dayaceen xeryihii ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya”, taasoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ururka Al-Shabaab ay u sahleyso inay dib usoo xoogeystaan.

Dhinaca Kenya waxay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, haweeneyda lagu magacaabo Rachelle Omamo iyo wasiirka Gaashaandhigga oo iyadana lagu magacaabo Monica Juma. Waxaa kale oo ay kulamo la yeesheen wasiiru dowleyaasha wasaaradahaas iyo madaxa ciidanka difaaca Kenya Janaraal Robert Kibochi.

Ugu dambeyn guddiga reer Jabuuti warbixintooda u gudbiyeen xafiiska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo hadda laga dhowrayo in uu war buuxa kasoo saaro waxa ka jira eedeymihii ay madaxda Dowladda Soomaaliya u jeedinayeen dowladda Kenya.

Madaxweyne Geelle ayaa hadda isha lagu wada hayaa, waxaana laga sugayaa in uu ku dhawaaqo natiijada ay guddigiisa soo saareen.

Danjire Buux ayaa sheegay in madaxweyne Geelle tallaaba uu qaadayo ay tahay in uu madaxda kale ee IGAD la wadaago xogta ay guddiga soo aruuriyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii tagay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya kaddib markii ay sheegtay in ay ku xad gudubtay madaxbannaanideeda, ayna ciidamo kasoo abaabushay xadka ay la wadaagto.

Hase yeeshee Kenya ayaa dhankeeda rajeyneysa in natiijada xaqiiqo raadinta ah ay noqoto mid meesha ka saareysa eedeymaha Soomaaliya uga yimid.

Labada waddan ayaa sannadihii lasoo dhaafay uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeynin tan iyo markii ay horaantii 2019-kii cirka isku shareertay xiisadda ku saabsan muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kiis arrintaas ku aaddan ayaa hor yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here