Nato ma awoodaa inay weerarka Ruushka ka difaacdo Ukraine?

vladimir putin

Tan iyo bartamihii bishii Maarso, waxaa jiray digniino badan oo ka soo baxayay dowladda Ukraine iyo kuwa reer Galbeedka. Waxay tilmaamayeen in Ruushka uu ciidamo ku soo daabulayo gobolka Crimea ee uu xoogga ku qabsaday iyo agagaarka bariga Ukraine, halkaas oo ay colaad ka taagan tahay.

Ujeedka Ruushka ayaanan caddayn, hasayeeshee halkan ka akhriso tusmo la xiriirta dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Ruushku ma wuxuu u diyaargaroobayaa inuu xoog ku galo Ukraine?

Ila wareedyo badan ayaa ku warramay in dhaqdhaqaaq ballaaran oo militariga Ruushka uu ku wajahan yahay xadka bariga Ukraine iyo Crimea, halkaas oo ciidammada Ruushku ay xoog kula wareegeen bishii Maarso 2014.

Inta badan wararka arrintan waxaa lagu daabacay barta Twitter-ka, sida farriimaha falanqeynta sirdoonka ee Jane, oo loogaga hadlay gantaallada ridada dhexe ee Iskander.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka weli ma uusan bixinin wax faafaahin ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidammada.

Afhayeenka Madaxweyne Vladimir Putin, oo lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa sheegay in ciidammada loo kala daadgureynayo gudaha dhulka Ruushka, ayna tahay “arrin gudaha uun khusaysa” oo aan loo baahnayn in ay cidna ka walaacdo.

Qaar ka mid ah ciidammada, oo ay ku jiraan kuwa ku sugan Crimea, waxay wadeen dhoolla-tus. Balse Mr Peskov waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Ukraine inay “daandaansi waddo”.

Ila wareedyo ka tirsan sirdoonka Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada dheeraadka ah ay gaarayaan 16 guuto, kuwaas oo gaaraya illaa 14,000 oo askari.

Guud ahaan, sida ay sheegtay madaxtooyada Ukraine, Ruushka waxaa hadda xadkiisa Ukraine ku sugan ku dhawaad 40,000 oo askari, halka Crimea ay ku sugan yihiin ku dhawaad 40,000 oo askari.

Marka ciidammadaas ma kuwo xoog adeegsan rabaa? Waa suuragal, laakiin dadka falanqeeya arrimaha gobolkaas ayaa sheegaya in aanay u badnayn isticmaalka awoodeed baaxad wayn.

Ukraine, Nato iyo dowladaha reer Galbeedka ayaa sheegay in Ruushka uu sidoo kale ciidamo joogto ah iyo hub culusba ku dhex leeyahay kooxaha goonni-ugoosadka ee haysta bariga Ukraine.

Aqalka Kremlin-ka ayaa beeniyay arrintaasi wuxuuna sheegay in ciidammada Ruushka ee halkaas jooga ay yihiin “kuwo si iskaa wax u qabso ah u howlgala”.

Muxuu Ruushku ula dagaallamayaa Ukraine?

Tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii shuuciyadda, sannadkii 1991, ciidammada Ruushka waxay faragelin ku sameeyeen colaado ka taagan dhowr deegaan oo ka tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeet, sida Chechnya iyo qeybaha kale ee dhulka Qawqaas.

Bishii Abriil 2014, waxyar uun ka dib markii uu Ruushka xoogga kula wareegay Crimea, kooxaha goonni-ugoosadka ee gacansaarka la leh Ruushka waxa ay qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaal bariga Ukraine, waa gobollada Donetsk iyo Luhansk.

Sanado ka hor, dibadbaxyo socday muddo bilooyiin ah oo ay hor kacayeen dad gacansaar la leh reer Galbeedka oo ku sugnaa magaalada caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxay xoog awooddii kaga tuureen madaxweynihii Ruushka uu taageerayay ee Viktor Yanukovych.

Aaga ay colaaddu ka taagan tahay oo loo yaqaan Donbas, waxaa u badan dadka ku hadla luuqadda Ruushka, haddana inta badan dadka halkaas ku nool waxa ay haystaan baasaboorrada Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Ruushka uu difaaci doono muwaadiniinta Ruushka u dhalatay ee dibadda ku nool, haddii loo arko in ay halis ku sugan yihiin.

Xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo Ukraine waa mid cadaawadeed hadda, balse xaalka ma gaarsiisana in dagaal la isku qaado. Waxaa jiray isku dhacyo teel teel ah oo ka dhacayay jiidda hore ee Donbas.

Isticmaalka Ruushka ee ciidammada gaarka ah ee GRU, weerrarka dhanka internet-ka ah iyo dacaayadda colaaddaas iyo colaadaha kaleba, ma ahan dagaal culus, laakiin, ma ahan goob deggan oo xasilloon.

Warbixin gaar ah oo uu sannadkii hore soo saaray koongareeska Mareykanka, waxaa hoosta loogaga xariiqay dowrka ciidammada GRU ee Ruushka.

Dagaal culus ayaa dhexmaray Ukraine iyo Ruushka, sannadkii 2014, ka hor inta aanan xabbaad joojin la gaarin 2015. Wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la is dhaafsaday maxaabiis dagaal.

In ka badan 13,000 oo qof ayaa ku dhintay colaaddaas. Ukraine ayaa sheegtay in 26 askari oo ciidammadeeda ka tirsanaa ay sannadkan ku dhinteen Donbas, halka 2020 ay 50 askari halkaas kaga dhinteen. Kooxaha goonni ugoosadka waxaa sannadkan ka dhintay in ka badan 20 askari.

Muxuu markale Ruushku ugu hanjabayaa Ukraine?

Dadka falanqeeya arrimaha Ruushka iyo Ukraine, oo ay ka mid yihiin jiraan Pavel Felgengauer iyo James Sherr, waxa ay hoosta ka xariiqeen dhowr arrimood oo xiisadda uga sii daray.

Bishii Febraayo, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay Viktor Medvedchuk, oo ah nin awood badan oo u dhashay waddanka Ukraine, oosaaxiib dhow la ah Madaxweyne Putin. Ukraine ayaa sidoo kale mamnuucday baahinta wararka saddex taleefishin oo u janjeera dhinaca Ruushka.

Pro-Russian separatist tanks in Donetsk region, 2015 file pic

Heshiiskii nabadeed ee Minsk ee la isku afgartay 2015, lama fulinin weli. Tusaale ahaan, illaa hadda, gobollada ay joogaan kooxaha gooni ugoosadka ah lagama qabanqaabin doorashooyin si madax bannaan loola socdo.

Colaadihii hore oo Ruushka u garanayo “dibadda dhaw”, ayuu Ruushku u diray ciidamo “nabad ilaalin ah” kuwaas oo meeshiiba degay. Waxa ay arrintaasi ka dhacday Moldova iyo Koonfurta Ossetia.

James Sherr ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in arrintaas ay markale ka dhacdo Ukraine. Waxayna dhidibada si wanaagsan ugu aasi doontaa danaha gaarka ah ee Ruushka.

Dadka qaar waxa ay isla dhexmarayaan in Putin uu doonayo inuu tijaabiyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo Ruushka ka qaatay mowqif ka duwan midii Donald Trump, madaxweynihii hore.https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-56728528/p07lv537/soQoraalka Muuqaalka,

Qulqulatooyinkii ayuu ka badbaaday xusuustuse kama aanay go’in: Halyey dagaal oo u dhashay waddanka Ukraine oo ka qeybqaatay dagaal noloshiisii wax ka badalay (warbixintii 2019-kii)

Putin ayaa bisha September wajahaya doorashooyin baarlamaani ah, wuxuuna wadaa xarig wadareed lagu baacsanayo taageerayaasha ninka ay aadka isku hayaan ee xabsiga ku jira, Alexei Navalny.

Marka Aqalka Kremlin-ka uu “difaaco” kooxaha dagaalka uga jira Ukraine, waxaa arrin wanaagsan u arki kara codbixiyayaal badan. Navalny ayey isna suuragal tahay in garabka la galiyo, haddii Kremlin-ka uu kiciyo xamaasadda wadaniyadda ee ku aaddan Ukraine.

Gaashaanbuurta Nato ma difaaci doontaa Ukraine?

Heshiis ay galeen kuma difaaci karto, maadaama Ukraine aanay xubin ka ahayn gaashaanbuurtaas. Balse Nato waxa ay xiriir dhaw la leedahay Ukraine, oo waxay heshaa hubka reer Galbeedka oo uu ku jiro lidka Javelin ee uu Mareykanku sameeyo ee loogaga hortago gantaallada taangiyada.

Haddaba, Ruushka wuxuu ogyahay in arrintaas ay horseedi karto gargaar ballaaran oo militari oo reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine.

Madaxweyne Zelensky waxa uu Nato ugu baaqay in ay dardargeliso xubinnimada Ukraine; laakiin colaadda waxay ka dhigaysaa in Nato ay aqbasho in Ukraine lagu daro gaashaanbuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here