Nin ay Mareykanka aad u raadinayeen oo ay CIA damacday inay London ka qafaalato

CIA usa

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa qorsheysay in ay safaaradda Ecuador ee magaaada London ka afduubato aasaasaha bogga xogta xasaasiga ah soo bandhigta ee Wikileaks, Julian Assange, sida ay sheegeen saraakiil horay uga tirsanaan jiray sirdoonka.

Saraakiishan ayaa barnaamijka baaritaanka sameeya ee Yahoo News u sheegay in madaxda hay’adda CIA-da ay sidoo kale ka wada hadleen kaarajinta ninkaas, balse waxaa jiray walaacyo ku aadan sida sharciga loo waafajin karo fal dil ah.

Madax sarsare oo ka tirsanaa maamulkii Donald Trump ayaa ka dooday walwalka laga qabo in tallaabadaas la qaado, sida ay saraakiishan ku andacoodeen.

Warkan ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u hadal hayay inta badan warbaahinta dalalka reer galbeedka, oo uu ka mid yahay wargeyska New York Times.

Yahoo ayaa markii ugu horreysay warkan sii daayay galinkii hore ee maalintii Axadda.

Sida lagu sheegay warbixinta Yahoo, arrintan uu soo jeediyay agaasimihii xilligaas ee CIA-da, Mike Pompeo, oo markii dambena noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii Donald Trump.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa qabay walaac weyn, iyagoo xitaa dareemayay in ay khasab tahay inay wargeliyaan xubnaha Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka.

In ka badan 30 sarkaal oo hore ayaa laga soo xigtay xogtan ugu dambeysay ee muujineysa in la isku dayay afduubka ama dilka Assange.

CIA-da ayaa ka carootay baahinta kumannaan dukumiinti oo ku saabsan xogta militariga Mareykanka iyo xiriirka diblomaasiyadeed oo bogga Wikileaks lagu daabacay, taasoo daaha ka rogtay.

Arrintaas ayaa horseedday in mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan hay’addan ay codsadeen “fasax” la xiriira in ay dilaan Assange, sida lagu sheegay natiijada baaritaanka.

Mid ka mid ah saraakiishii sarsare ee la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inuu xasuusto in xilligaas ay xaaladdu u muuqatay mid aan xuduudo lahayn”, gaar ahaan markii ay wadahadlayeen xubnaha sarsare ee maamulkii Trump, sanadkii 2017-kii.

Doodda ayaa billaabatay markii bogga Wikileaks uu daabacay xogta loo yaqaanno Vault 7 – oo ah sir lasoo dusiyay oo ku saabsan sida ay CIA-da u damacsaneyd in ay u dhacdo xogta shirkadaha adeegga telefoonnada ee Apple iyo Android.

Wikileaks ayaa xilligaas shaaca ka qaadday in dowladda Mareykanka ay iyadoo aan loo fasixin jabsan rabtay macluumaadka telefoonno iPhone ah, Google, telefoonnada Android iyo telefishinnada Samsung.

Faafinta xogta uu sii daayay bogga WikiLeaks waxaa lagu tilmaamay sirtii ugu weyneyd ee CIA-da laga dusiyay intii ay jirtay taariikhdeeda.

Trump oo soo jawaabay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay saxnimada warbixinta uu soo saaray Yahoo ee sheegeysa in la qorsheeyay dilka aasaasihii WikiLeaks, Julian Assange.

Trump ayaa sheegay in xogtaas ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Assange ayaa horay loogu xukumay inuu muddo 50 isbuuc ah ku qaato xabsiga Belmarsh, oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada London, ka dib markii bishii Abriil lagu helay dambi ah inuu jabiyay xeerka u yaalla dadka damiinka lagu sii daayo.

Waxaa lagu xiray safaaradda Ecuador, halkaasoo uu sanadkii 2012-kii tagay isagoo magangalyo doon ah, si uu uga badbaado in waddanka Sweden loogu gacan galiyo eedeymo la xiriira kufsi, kuwaasoo uu dhankiisa beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here