Nin cunsuriyeeyey ciyaartooy u dheela Manchaster United oo xabsi loo taxaabay

fred Manchester United

Ninkan aan magaciisa la shaacin ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki uu shey uu ku dhuftay ciyaartooyga Fred ee khadka dhexe uga ciyaaro Manchester United xilli uu Sabtidi ka qayb galayey ciyaar kulul oo dhex mareysay Manchester United iyo Manchester City.

Booliskana waxay sheegeen iney heleen xog ku saabsan inuu ninkan la xiray uu cunsuriyeeyey ciyaartooygaasi isaga oo calaamad cunsurinimo muujineyso tusiyey.

Manchester City waxay sheegtay iney booliska si dhow ugala shaqeynayaan kiiskan “waxaana ciyaartooygannada oo ku gudajira ciyaar muhiim ah lagu soo tuuray shey laguna dhuftay”.

Ninkan ay booliska xireen ayaa loo haystaa inuu ku xadgudbay nidaamka kala dambeynta dalka u yaallay.

Wuxuuna falka cunsuriyeynta Fred lagu sameeyey ciyaar ka socotay garoonka city ee Etixaad.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Pep Guardiola oo wada hadlaya

Madaxa United Ole Gunnar Solskjaer wuxuu sheegay: “Fred iyo Jesse (Lingard) iney koorna ku sugnaayeen. Fred wuxuu soo laadayey koorna, kaddib muuqaalka waxaa ila wadaagay ciyaartoyda kale.”

Wuxuuna intaa ku daray dhaqanka uu la yimid mid ka mid ah taageerayaasha ciyaartaasi u soo daawasha tagay oo ay kaamerada qabatay “ma aha mid la aqbali karo”.

“Kooxda City waxaa ka dhammaaday dulqaadki ku aaddanaa faquuqa iyo cunsuriyeynta noocey doontaba ha ahaatee lagula kaco ciyaartooydeeda, ciddi lagu helo falkaasi iney geysatayna noolashiisa inta ka dhimanna laga mamnuucaya kooxda”

Fred oo u dabbaal dagaya

Muuqaalka lagu cunsuriyeeyey ciyaartoyga iyo astaanka cunsurinimada ee loo muujiyey marki baraha bulshada laga dawado ayay arrintu cirka isku sii shareertay.

Hay’adaha sharciga ee ay quseeysana waxay sheegeen iney arrintan baaritaan qoto dheer ku sameeynayaan ciddi lagu helo iney dambigaasi geysatayna sharciga la marinayo maadaamaa ay arrimahan yihiin kuwa marar badan soo noqnqoday.

Xiriirka kubadda cagta ee FA wuxuu sheegay inuu dhacdadan uu baarayo “Marna aan loo dulqaadan doonin takoor noocuu doonaba ha ahaadee”.

Raheem Sterling ayaa wuxuu isna ka mid yahay ciyaartoyda la kulantay cunsuriyeynta xilli ay socdeen ciyaaraha Euro 2020.

Raheem Sterling

Fred oo dhacdadi Sabtida ka hadlay wuxuu sheegay “Inaan weli nahay bulsho weli dib dhacsan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here