Nin dhimasho lagu ogaa oo la qabtay isaga oo xaaskiisa dhuumasho ku booqanaya

xabsi

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qorshe uu damacsanaa nin isku dayay in uu been abuur ku sameeyo geeridiisa si aanu xabsiga loogu soo celin.

Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in Sudesh Kumar, oo 36 jir ah, uu dilay nin iskuna dayay in uu meydkiisa qariyo isaga oo kaashanaya xaaskiisa.

Balse booliiska ayaa helay muuqaalka CCTV-ga isagoo meydka ku sida baaskiil.

Kumar ayaa lagu soo waramayaa in cafis shuruudo ku xiran yihiin lagu sii daayay intii lagu jiray masiibada Covid-19 ka dib markii lagu eedeeyay dilka gabadhiisa oo 13 jir ah sannadkii 2018.

Qaar ka mid ah gobolada Hindiya ayaa siidaayay maxaabiista qaar si ay uga hortagaan xabsiyada buux dhaafay oo loo yareeyo kiisaska coronavirus.

Hase yeeshee Kumar ayaa la sheegay inuu ogaaday in mas’uuliyiinta ay damacsan yihiin inay soo afjaraan sidaas darteed waxa uu ku dhaqaaqay qorshahaan si aan xabsiga dib loogu celin.

Booliska ayaa ku andacoonaya in Kumar uu qirtay markii la xiray in Domen Ravidas uu dilay 19-kii Nofembar.

Mr Ravidas meydkiisa waxaa laga helay dhul banaan ah maalintii xigtay. Maydkiisa ayaa la gubay si aan loo aqoonsan, balse waxa uu jeebka ku sitay Kaarka aqoonsiga ee Kumar.

Xaaska Kumar, Anupama, ayaa markii dambe sheegtay in meydka ninkeeda uu yaallo gurigooda oo ku yaalla caasimadda India ee Delhi.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii ay caddeeyeen in Kumar uu ka been-abuuray dhimashadiisa, saraakiishu waxay heleen xog ah inuu booqanayo xaaskiisa. Booliska ayaa u dhacay guriga lamaanaha, waxayna gacanta ku dhigeen Kumar, kaasoo qirtay dambiga.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo xiray ku lug-lahaanshaha shirqoolka.

Iraj Raja, oo ah kormeeraha booliiska gobolka, ayaa amaanay shaqada saraakiishiisa intii lagu jiray shir jaraa’id oo qabtay Axadii.

“Lammaanuhu waxay maleegeen qorshe qoto dheer, laakiin booliisku waxay ku guuleysteen inay ogaadaan kiiskan dilka ah ee indho la’aanta ah,” ayuu yidhi Mr Raja. “Kooxdan waxaa lagu abaalmarin doonaa shaqada ay qabteen,” ayuu raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here