Nin dhuusadiisu kaneecada iyo cayayaanka kale disho iyo Shirkado heshiis la galay

Joe Rwamirama

Joe Rwamirama oo ah 48 jir u dhashay dalka Uganda, kuna nool magaalada caasimadda ee Kampala ayaa sheegay in dhuusadiisa “ay dili karto kaneecada iyo cayayaanka kale ee u jira ilaa lix mitir”.

Arrintan oo soo shaac baxday dhowr maalmood ka hor, ayaa waxaa sheekadiisa baahiyey wargeysyada kala ah The mirror iyo The sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxayna kusoo warrameen in Joe Rwamirama ay haatan shaqaaleysiiyeen oo ay heshiis la galeen shirkado sameeya dawooyinka lagaga hortago cayayaanka.

“Waxaan cunaa cunto la mid ah tan dadka kale ay cunaan, balse ma jiro cayayaan ku dhiirran kara in uu I soo dhawaado, xitaa diqsiga”, ayuu yiri Joe.

Ninkan oo aad looga yaqaano Magaalada Kampala ayaa waxaa uu intaa raaciyay in maalin walba uu qubeysto, si la mid ah dadka kale.

“Neeftaydu waa mid la mid ah tan dadka kale, balse waxay khatar ku tahay cayayaanka iyo kaneecada”, ayuu raaciyay.

Ninkan ayaa dadka yaqaana oo uu kamid yahay James Yoweri waxaa uu wargeyska The Sun u sheegay in Joe uu yahay nin aad loo yaqaano, dhuusadiisana ay disho kaneecada.

“Marka uu Joe joogaa, dhamaanteen waan ognahay in kaneecada iyo cayayaanka kale aanan lagu arag agagaarkeena, dadka aad ayuu u ixtiraamaa, balse waxaa uu neefsadaa/dhuusaa marka ay kaneecda ka soo buuxsanto halka uu ku sugan yahay”, ayuu yiri.

Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa tuulada uu deggan yahay ninkan ka hor inta uusan imaanin caasimadda Kampala ayaa sheegay in aysan jirin qof ku nool tuuladaas oo ay waxyeelo kasoo gaadhay kaneecada, maadaama neetfa ka soo baxda ninkan ay sheegeen”in ay ku diirsadeen”.

Mid ka mid ah cuqaasha deegaankii uu ku noolaa ninkan ayaa sheegay in Joe uu yaqaanay tan iyo yaraantiisii, marka la gaaro xilliyada kaneecadana uu la joogi jiray isaga, si uu uga badbaado waxyeelada ka dhalata qaniinyada kaneecada, waxaana uu yiri: “waan ogahay hibada uu Alle siiyay Joe, waana kaxeyn jiray xilliyada kaneecada, si uu inooga fogeeyo kaneecada”.

“Si ixtiraam uu ku dheehan yahay ayuu u sii daayaa, waxayna ka takhalustaa cayayaanka iyo kaneecada oo markiiba waa ay soo daadanayaan”, ayuu ku daray.

Walow aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin sax ahaanshaha arrinta ayaa haddana wargeyska The Sun waxaa uu sheegay in sidoo kale uu wareystay dad aqoon u leh ninkan, waxaase aan la ogeyn sababta keentay in neefta ninkan ay noqoto mid dili karta cayayaanka, maadaama uu sheegay in neeftiisa ay la mid tahay midda dadka kale.

Inkastoo aan la ogeyn shirkadaha heshiiska la galay ninkan, ayaa haddana Joe Rwamirama waxaa uu sheegay in shirkadahaas ay malaayiin lacag ah siinayaan isaga, si dawooyin looga hortago cayayaanka iyo kaneecada looga sameyo dhuusadiisa.

Hase yeeshee arrintan ayaa waxaa ay dood iyo maadeysi ka dhex abuurtay baraha bulshada ee dalka Uganda, waxaana ay dad badan sheegeen in ay tahay arrin lala yaabo, iyagoo is weydiinaya waxaa ay neeftiisa kaga duwan tahay tan dadka kale.

Waxyeellada ka dhalata kaneecada ayaa dhibaato ba’an ku haysa qaaradda Afrika, haddiise ay dhab noqoto arrintan waxaa muuqata in xal kale loo helay waxyeellada kaneecada iyo cayayaanka kale.

XIGASHO: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here