Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dilay Weerar uu ka gaystay dalka Jarmalka

police germany

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena si darran ayaa loogu dhaawacy weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah xalay ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan maalmihii dhowaa uu marayey daweyn xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay, kadib markii laga yaabay hab dhaqankiisa. 

Booliska ayaa markii dambe joojiyey weerarkan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa.

Joachim Herrmann, oo ah Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay ka tirsan tahay, ayaa sheegay in ayada oo inta badan dadka dhaawac ah ay xaaladdoodu ay aad u darran tahay, uusan hubin inta ka bad-baadi doonto. 

Ninka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku noolaa magaalada Würzburg tan iyo sanaddii 2015, sida uu sheegay Herrmann.

“Xaaladdiisa ayaa laga war-hayey bilihii tegay, waxaana lagu arkay hab-dhaqan rabshado leh maalmo kahor, kadibna waxaa lagu qasbay inuu maro daaweyn dhanka maskaxda ah,” ayuu yiri Herrmann.

Herrmann ayaa goor dambe taleefishin u sheegay, in sida laga soo xigtay hal qof oo ka mid ah goobjoogeyaasha, uu Soomaaliga markii uu weerarka gaysanayey ku qeylinayey “Allahu Akbar”.

“Taasi waxay soo jeedineysaa inay suurta-gal tahay in ficilladiisa ay dhiiri-geliyeen xagjirnimo, balse weli waa la baarayaa,” ayuu yiri Joachim Herrmann.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidiintiisa. 

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in dad kale ay ku lug leeyihiin weerarka, islamarkaana xaaladda ay iminka caadi kusoo laabatay. 

Muuqaallo laga baahiyey taleefishinka ayaa muujinaya nin Soomaaliga ah oo cago cad, oo mindi ku eryanaya dadka. Muuqaallada qaarkood ayaa sidoo kale muujiyey dhiig daadsan waddooyinka. 

Würzburg oo ah magaalo qadiimi ah oo ay ku nool yihiin 130,000 oo qof ayaa 100 km koonfur-bari ka xigta magaalada Frankfurt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here