Nin telefishinka toos uga qirtay fal dil ah oo uu geystay

india police

Nin u dhashay dalka Hindiya oo si toos ah telefishinka uga qirtay inuu dilay saaxiibaddiis, oo lagu magacaabi jiray Sarbjit Kaur, ayaa lagu xiray studio-ga, ka dib markii ay shaqaalihii warbaahintaas waceen booliska.

Maninder Singh, oo 27 jir ah, ayaa tagay xafiiska telefsihinka News18, oo ku yaalla magaalada Waqooyiga dhacda ee Chandigarh.

Markii uu xafiiska tagay ayuu nin kooxda kaamirada ka shaqeyso ah u sheegay inuu doonayo inuu sameeyo “qiraal”.

Shaqaalihii ayaa markaas ka dib u kaxeeyay studo-ga, waxaana si toos ah loo baahiyay “qiraalkiisa”.

Dhacdadan oo siyaabo kala duwan loo fasirtay ayaa buuq ka dhex dhalisay shuruucda saxaafadda.

Mr Singh ayaa wariyaha wareysiga ka qaadayay u sheegay inuu dilay Kaur, uuna falkaas u sameeyay sababo la xiriira inuu labada qoys soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya guurkooda.

Wuxuu intaas ku daray inuu “qiraalka” u sameynayo maadaama ay boolisku dhibaato ku hayaan qoyskiisa, tan iyo markii gabadha meydkeeda laga helay hoteel ay lamaanaha dageen, 30-kii bishii December, 2019.

Ninkan ayaa ilaa xilligaas baxsad ahaa.

“Wuxuu rabay inuu caanbaxo, naxariisna loo sameeyo, sidoo kalena uu kiiskiisa qabto qareen u dooda, maadaama uusan heysanin lacag uu isku difaaco”, waxaa sidaas BBC Punjabi u sheegay sarkaal ka tirsan booliska magaalada Chandigarh.

Mr Singh wuxuu sheegay in qoyska Kaur ay kasoo horjeesteen guurkooda, maadaama uu isagu kasoo jeedo qabiil kale oo aysan isku dabaqad ahayn.

Booliska gobolka Punjab ayaa BBC-da u sheegay in Mr Singh sidoo kale looga shakisan yahay inuu dilay gabar kale oo saaxiib la ahayd, taasoo kasoo jeedday gobolka dariska la ah ee Haryana.

Ninkan ayaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana ku socda baaritaanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here