Nin xoola dhaqata ah oo si lama filaan ah ku noqday milyaneer

Saniniu Laizer

Nin u dhashay dalka Tanazania, kana mid ah dadka qodo macdanta dhulka, horayna u noqday maalin taajir bishii Juun ee sanadkan kadib marki uu iibiyay dhagax uu dhulka kasoo helay, lagana siiyay lacag dhan 3.4 milyan oo doollar ayaa markale waxaa uu soo helay qeyb kale oo isla dhagixii ah, kaas oo markale laga siiyay lacag dhan 2 milyan oo doollar.

Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer ayaa macdanta ama dhagaxa uu helay waxaa uu gaarayaa 6.3 kilo, waxaana lagu magacaabaa Tanzanite. Waa dhagax la sheegay in u dunida uu ku yar yahay.

Macdanta Tanzanie ayaa laga helaa oo keliya waqooyiga dalka Tanzania, waxaana laga sameeyaa waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dhagaxan ayaa kamid ah kuwa ugu qaalisan dunida, waxaana khabiir arrimaha aathaarta uu sheegay in helitaanka dhagaxan ay tahay mid adag.

Dhagaxa Tanzanite ayaa waxaa uu leeyahay midaba dhawr ah, waxaana kamid ah buluug, guduud iyo midaba kale.

Qiimaha dhagaxan waxaa marwalba jaangooya hadba sida loo helo, waxaana qofka marka uu helo laga xaqiijiya in uu yahay dhagaxii dhabta ahaa, taas oo lagu ogaan karo qiimaha uu gaarayo.

Mr Lazier ayaa ku booriyay dadka isagoo kale ah ee ka shaqeysta macdanta inay la shaqeyaan dowladda, maadaama sida uu shegay khibradiisa ay tusaale wanaagsan u tahay.

“Haddii macdanta aad hesho ka iibiso dowlada, taas waxay ka dhigan tahay in aadan wado dheer u marin suuq geynta, dowladda warkeedu wuu cadyahay,” ayuu yiri Lazier mar uu ka hadlayay gudaha dalkaas.

.

Haseyeeshe dad badan oo soo saara macdanta ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka daahiso lacagaha marka ay ka iibsadaan waxa ay soo helaan, waxaana ninkan oo dhalay 30 ciyaal ah uu sheegay in uu qaban doonaa xaflad uu ugu dabaaldegayo nasiib wanaagiisa.

Lacagtan ayuu sheegay in uu u adeegsan doona in uu bulshada uu kasoo jeedo ugu dhiso goobo waxbarasho iyo xarumo caafimmaad.

Ninkan oo kamid ah xoola dhaqatada dalkaas ayaa sheegay in helitaanka lacagtan aanay waxba ka badeli doonin noolashiisa oo uu si dhaqan doona xoolihiisa. Waxaa uu sheegay in uu leeyahay lo’ dhan 200.

“Inkastoo aan noqday nin hanti leh haddana ma yeelan doonaa wax ilaala ah”, ayuu sii raciyay hadalkiisa mar uu la hadlayay BBC-da.

Dadka qoda macdanta sida Laizer ayaa waxa ay shati ka qaataan dowladda Tanzania, haseyeeshee qodista macdanta sharci darrida ayaa dalka Tanzania gaar ahaan goobaha u xadeeysan shirkadaha waaweyn ka ah dembi.

Sanadkii 2017-ka, madaxweynaha dalka Tanazania, Magafuli ayaa milateriga dalkiisa ku amray inay deyr u sameyaan dhul dhan 24 kilomitir oo la aaminsan yahay inay tahay halka keliya ee dunida laga helo macdanta Tanzanite.

Sanad kadib waxaa ay dowladda sheegtay in uu sare u kacay dakhliga dowladda kasoo gala qodista macdanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here