Ninka iibsaday 60,000 oo ceel oo saliid iyo gaas ah

Rusty Hutson

axanaha barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss wuxuu ka warramayaa taariikhda hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee adduunka daafihiisa kala duwan. Toddobaadkan waxaan la hadalnay Rusty Hutson Jr, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda tamarta Mareykanka ee Diversified Gas & Oil (DGO).

Rusty Hutson Jr waxaa lagu xusay buugga caanka ah ee “the family trade”.

Ninkan, oo ku dhashay meel u dhow warshad saliidda iyo gaaska lagu sifeeyo oo ku taalla galbeedka Virginia, aabihiis, awowgiis iyo awowgiis labaadba waxay kasoo shaqeeyeen – oo ay noloshooda kasoo maareeyeen – waaxda tamarta.

Rusty, oo ah qofka saddexaad ee dhinaca bidix, waxaa hadda shaqaale u ah 925 qof
Qoraalka sawirka, Rusty, oo ah qofka saddexaad ee dhinaca bidix, waxaa hadda shaqaale u ah 925 qof

Aabihiis iyo awooweyaashiisa waxay kasoo shaqeeyeen ceelasha saliidda iyo dhuumaha shidaalka qaada, waxayna shaqo adag soo mareen xilli aysan dunida casri ahayn, si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Rusty qudhiisa markii uu iskuulka dhiganayay iyo markii uu jaamacadda ku jirayba wuxuu shaqada la aadi jiray aabihiis.

Laakiin markii uu Jaamacadda ka qalin jabiyay sanadkii 1991-kii, wuxuu go’aansaday inuu shaqadiisa ka dhigo wax ka duwan wixii ay waalidkiisa qaban jireen.

“Waxaan garawsaday in aanan nolosheyda meel uga soo darin ka shaqeynta saliidda iyo gaaska,” ayuu yiri. “Markii horeba ma daneyn jirin. Runtii waa shaqo aad u adag.”

Rusty Hutson
Qoraalka sawirka, Rusty wuxuu sheegay in ceelkiisii ugu horreeyay ee gaaska uu ahaa sidii inuu dahab helay

Sidaas darteed, maadaama uu cilmiga xisaabaadka uga qalin jabiyay jaamacaddii ugu caansaneyd galbeedka Virginia, wuxuu xirfaddiisa ka dhigtay inuu bangiyada ka shaqeeyo. Howshaas wuxuu ku jiray muddo toban sano ah, markii ugu dambeysayna wuxuu kusoo gabagabeeyay magaalada Birmingham, ee gobolka Alabama.

Laakiin intii ay sannadaha socdeen, Rusty wuxuu sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aankiisa ahaa inuusan raacin raadkii aabihiis.

“Galbeedka Virginia waxay ahayd meel ay xaaladdeeda adag tahay markii aan soo korayay. Walina waa sidaas,” ayuu yiri. “Dadku waxay u qeybsanaayeen labo nooc, qaar ka shaqeynayay macdan qodista iyo qaar ka shaqeynayay shidaal qodista. Waxay ahayd arrin jiilal soo socotay – haddii ay aabahaa iyo awowgaa noloshooda kusoo maareeyeen, adigana waa inaad raadkooda raacdo.

“Dhowr sano markii aan xirfaddeyda kale ku dhex jiray waxaan dareemay inaan sharfi waayay shaqadii waalidiinteyda. Waxaa kale oo aan niyadda ku hayay inaan dhiso wax aniga aan la imid.”

A "nodding donkey"

Sanadkii 2001-dii, isagoo 32 jir ah, ayuu Rusty iibsaday ceel hore oo gaas ah. Ceelkaas oo ku yaallay galbeedka Virginia wuxuu ku iibsaday lacag dhan $250,000 (£200,000). Lacagtaas wuxuu ka helay gurigiisa oo uu iibiyay.

“Wuxuu ahaa ceel yar oo qadiimi ah, muddo sannado ah ayaa wax laga soo saarayay, laakiin aniga wuxuu ii ahaa sidii dahab oo kale,” ayuu yiri.

“Wali afartii sano ee xigtay bangiga ayaan kasii shaqeynayay, laakiin mar kasta oo aan fursad helo waxaan u duulayay galbeedka Virginia si aan ceelka uga shaqeeyo.”

Rusty Hutson Sr
Qoraalka sawirka, Rusty aabihiis oo 72 jir ah wuxuu jago sare ka hayaa shirkadda wiilkiisa

S i tartiib tartiib ah ayuu u koray ganacsigiisa, muddo dheer kaddibna wuxuu gaaray heer aad u wanaagsan.

Maanta shirkadda Rusty uu leeyahay ee lagu magacaabo DGO waxay leedahay 60,000 oo ceel oo isugu jira saliid iyo gaas.

Dhammaan ceelasheeda waxay ku wada yaallaan gobollada Galbeedka Virginia, Pennsylvania, Ohio, Kentucky, Virginia iyo Tennessee.

Waxaa shirkaddiisa shaqaale ka ah 925 ruux, sannad kasta dakhliga soo gala wuxuu gaaraa in ka badan $500 oo milyan.

Qiyaastii 90% shaqadeeda waxay ku saabsan tahay dhinaca wax soo saarka gaaska, halka 10% ay ka shaqeyso saliidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here