Ninkii koomada kasoo kacay isagoo ku hadlaya luuqad qalaad

Ben McMahon

Ben McMahon wuxuu dhaawac halis ah kasoo gaaray madaxa kaddib markii uu galay shil gaari. Laakiin markii uu soo kacay waxaa lagu arkay xaalad dad badan ka yaabisay.

Dhakhaatiirta markii hore ma aysan hubin inuu waligiis kasoo kici doono koomada uu ku jiray, laakiin dhowr maalmood kaddib miyirkiisii wuu soo laabtay.

Waliba wuxuu awood u yeeshay inuu hadlo, balse uma uusan hadlin sidii uu qof walba filayay.

Ninkan, oo kasoo jeeda magaalada Melbourne ee dalka Australia, wuxuu koomada kasoo kacay isagoo ku hadlaya luuqadda Mandarin, oo looga hadlo Shiinaha iyo Taiwan.

“Eraygii ugu horreeyay ee afkeyga kasoo baxay wuxuu ahaa mid ay ku jah wareereen dhakhaatiirta. markaan u wacayo waxaan kula hadlayay luuqadda shiinaha, xitaa marka aan fikirayo waxaan niyadda iskala hadlayay isla luuqaddaas,” ayuu yiri Ben oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da.

Arrintaas waxay u horseedday inuu shaqo qeyrul caadi ah ka helo telefishin laga leeyahay Shiinaha oo sameeya filimada ku saabsan nolosha dhabta ah.

Ben McMahon wuxuu kasoo jeedaa magaalada Melbourne ee dalka Australia
Qoraalka sawirka,Ben McMahon wuxuu kasoo jeedaa magaalada Melbourne ee dalka Australia

Ben wuxuu shilka gaari galay isagoo ay da’diisu tahay 18 sano, waxaana uu kala kulmay dhibaato kasoo gaartay madaxa.

Xilliyadii ugu horreysay ee uu dhaawacaas kasoo kabanayay ma uusan awoodi karin inuu ku hadlo afkiisa hooyo ee Ingiriiska ah.

Luuqadda kaliya ee uu si toos ah ugu hadli karay waxay ahayd Mandarin, oo ah mid aysan fahmi karin dhakhaatiirtii isbitaalka ku daweyneysay. Waligiis horay uguma uusan hadlin luuqaddaas. Dhowr eray oo aasaasi ah ayuu ka bartay markii uu ku jiray waxbarashadiisa dugsiga sare.

“Mid ka mid ah fasallada iskuulka ayaan ku bartay hadallo kooban oo luuqadda Shiinaha ah – sida ‘haye, magaceygu waa hebel – iyo waxyaabo la mid ah.”

Balse markii uu koomada kasoo kacay wuxuu luqaddaas u yaqaannay sidii afkiisa hooyo oo kale.

Dad badan waxay luuqadda Mandarin ee dalka Shiinaha looga hadlo u arkaan mid adag oo aysan sahlaneyn sida lagu barto, maadaama ay leedahay erayo badan oo isku eg dhawaaqoodana aan la kala saari karin.

.

Ugu dambeyntii Ben wuxuu dib u soo xasuustay Ingiriiskiisii, hase yeeshee luuqadda Mandarin lafteeda waxay u ahayd mid uu si wanaagsan u yaqaanno, waxayna ka caawisay inuu xitaa shaqo turjumaannimo ah ka helo barnaamij lagu haasaawo oo ay shirkad Shiineys ah ku leedahay internet-ka.

Barnaamijkaas oo ay kasoo muuqdaan jilayaasha ugu caansan dalka Shiinaha waxaa xalaqad kasta daawada malaayiin qof oo daneynaya.

“Ilaa hadda barnaamijkan waa kan loogu xiisaha badan yahay ee guud ahaan waddanka Shiinaha. Halkii xalaqo waxaa daawada 60 ilaa 70 malyan oo qof,” ayuu yiri Ben.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha lagu jecel yahay barnaamijkaas – oo isagaba kusoo jiiday – ay ka mid yihiin shactirooyin badan oo lagu soo bandhigo, dadkana looga qosliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here