NISA oo Muqdisho kusoo bandhigtay hub iyo raggii watay

NISA

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafadda Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howl-galkan ayey NISA shaacisay in lagu soo qabtay hub farada badan iyo raggii watay, kadib markii ciidamada ay gudaha u galeen guri ku yaalla xaafaddaasi.

Qoraal kooban oo ka soo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la soo qabtay ay ka tirsan yihiina Al-Shabaab, islamarkaana ay u qaabilsanaayeen dilalka Muqdisho.

“Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa  waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay hay’adda NISA.

Sidoo kale hay’adda NISA ayaa u mahacad-celisay dadka shacanka ah ee kala shaqeeyey ciidamada amniga in la soo qabto hubkaasi.

“Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed,’ ayaa sii raacisay NISA.\

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo dhowaan marti-gelin doonto doorashooyinka soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here