NISA oo shaacisay in Amiirka Al-Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay labo ka mid ah hoggaanka ururka

NISA

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa caawa shaaca ka qaaday xog ku saabsan in khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.

Sida lagu daabacay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Golaha Fulinta ee Xarakada Mahad Karateey iyo Bashiir Qoorgaab oo labada ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hoggaanka Al-Shabaab.

Labada nin oo ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa awood ballaaran ku leh hoggaanka xarakada, waxaana madaxooda dul saaran lacag gaareysa shan milyan oo doollar oo Mareykanka ku doon doonayo cidii keenta akhbaar ku saabsan halka ay joogaan.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa u qornaa sidan “Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

Haddii arrintan xaqiiqo noqoto waxay noqon doontaa in mar kale Al-Shabaab khilaaf dhanka fikirka ah uu soo kala dhex galay Hoggaankooda sare, kaddib Mukhtaar Roobow iyo Zakariye Ismaaciil oo horay uga mid ahaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab oo ka soo goostay Ururka Al-Shabaab, kaddib khilaaf dhanka fikirka ah oo soo kala dhex galay hoggaankii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane Abuu Zubeyr.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here