NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Muuse Macallin Mucaawiye

NISA

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye).

Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay “in Muuse Macallin xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.

Qoraalka NISA ayaa intaas ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye.

Warka kasoo baxay NISA ayaa imanaya ayada oo hay’adda maalmahan ay werineysay “khilaaf” ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay kooxda Al-Shabaab.

3-dii Febraayo ayey ahayd markii ugu horreysay ee NISA ay sheegtay in Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

Sida qoraalka NISA ee xilligaas lagu sheegay, taasi waxay timid kadib markii ay ka dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo.

Qoraal kale oo NISA ay baahisay 13-kii Febraayo ayey ku sheegtay inuu xilligaas is-casilay madaxii amniyaatka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab Muuse Macalin (Mucaawiye), kana tirsanaa garabka raacsan Mahad Karataay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here