NISA oo sheegtay inay qabatay shabakad Al-Shabab u haysay shaqo muhiim ah

waraaqo been abuur

Ciidamada NISA ayaa gacanta waxa ay ku soo dhigeen Shabakad Al-Shabaab u sameeya Documentiyo been abuur ah, kuwaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa waxa ay sheegtay xogo ay ka heleen shacabka Somaliyed in lagu soo ogaaday dadkaan warqadaha been abuurka u sameyn jiray Al-Shabaab.

Raggaan ayaanan la sheegin rasmi ahaan meesha laga soo qabtay, balse wararka waxa ay sheegayaan in xubnahan laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha oo warqadaha Been abuurka ay ku sameyn jireen.

Raggaan oo Saddex nin ah ayaa waxaa gacanta ku haayo Nabad Suggida Somaliya, waxaana ay ku xiran yihiin godka Jilacow.

Al-Shabaab ayaa dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay ku sameeyaan falal hanjabaad ah oo ku aadan inay u hoggaansamaan awaamiirtooda ama inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa xoojisay beegsiga shabakadaha Al-Shabaab ee Muqdisho, taasi oo yareysay qaraxyadii iyo weeraradii ay kooxdan ka fulin jirtay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here