NISA oo war cusub kasoo saartay khilaafka Al-Shabaab iyo gadood laga sameeyey Muqdisho

NISA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, oo dhowaanahan ka hadleysay khilaaf ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay hoggaanka Al-Shabaab, ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay inuu gaar heer ay gadood sameeyaan xubno.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah “uu la wareegay” amniyaatka kooxda ee magaalada Muqdisho, kadib “gadood ka dhashay” dilkii Muuse Mucaawiye, sida ay tiri.

Qoraalka NISA oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu yiri “ Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) Gobolka Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga joogtada ah ee Muqdisho.”

Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

10-kii March, NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Al-Shabaab ay habeenkii Isniinta degmada Bu’aale ee Jubada Dhexe ku dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye), kadib amar sida la sheegay uu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.

Isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye.

Qoraallada NISA ee la xiriira khilaafka ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab ayaa soo billowday 3-dii Febraayo, waxaana lagu sheegay inuu salka ku hayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hor-yimid qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho.

Xubnahaas ayaa kala ah Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab, oo sida ay sheegtay uu Axmed Diiriye uu ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here