Nooca coronavirus ee Omicron oo si xowli ah dunida ugu faafaya

Coronavirus2

Nooca coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub.

Dr Tedros ayaa sheegay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Hubaashii, waxaan haatan ogaannay inaan dhayalsanno fayraskan. Xitaa haddii Omicron uu sababo xanuun yar, tirada kiisaska ayaa mar kale culeys ku keeni doonta waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Tiro dad ah ayaa soo saaray shuruuc lagu mamnuucayo safarka taas oo saameysay Kofur Afrika iyo dalalka deriska la ah kaddib markii laga helay nooca Omicron, balse shuruucda ayaan wax badan ka qaban joojinta inuu noocan ku faafo dunida.

Wararka kale ee ku saabsan coronavirus

  • In ka badan 800,000 oo Ameerikaan ah ayaa u dhintay xanuunka coronavirus – waana tiradii ugu badneyd ee dhimashada xanuunka ee guud ahaan dunida laga diwaan geliyo
  • Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku guuleystay taageerada shuruucda Covid ee England, inkastoo uu mucaarado kala kulmayay xubno ka tirsan xisbigiisa tan iyo intii uu xilka qabtay
  • Dowladda UK ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqday in dhammaan 11-ka dal ee ku jiray liiskeeda dalalka ay mamnuucday in loo safro ay meesha ka saartay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Sajid Javid uu sheegay in nooca Omicron uu si aad ah u faafay isla markaana shuruucdan aysan wax muhiimad ah lahayn
  • Talyaaniga ayaa kordhiyay muddada bandowga dalkaasi saaran isagoo ka dhigay ilaa 31 March 2022, sababo la xiriira walaac laga qabo Omicron. Tallaabooyinka, oo lagu waday inuu xilligoodu ku ekaado dhammaadka December, ayaa dowladda siinaya awood dheeri ah oo ay ku xadiddo safarka iyo isu imaatinnada dadka
  • Dalka Netherlands ayaa sheegay inuu xiri doono dugsiyada hoose toddobaad kahor ciidda masiixiyiinta ee Christmas-ka, tan oo looga gol leeyahay wax ka qabashada xanuunka
  • Norway ayaa sidoo kale ku dhawaaqday mamnuucidda aalkolada oo laga mamnuucay baararka iyo maqaayadaha, iyo tallaabooyin kale

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Dr Tedros ayaa wuxuu mar kale diiradda ku saaray walaaca laga qabo u sinnaan la’aanta tallaalka, iyadoo dalalka qaar ay dardar geliyeen soo saaridda tallaal xoojiye ah iyadoo laga jawaabayo xanuunkan Omicron.

Daraasadaha dhowaan laga sameeyay tallaalka Pfizer/BioNTech ayaa muujinaya inay keliya wax yar ka tarayaan iska caabbinta Omicron mar aloo barbar dhigo fayrasyadi hore, balse tan ayaa la sheegay in looga bixi karo iyadoo la soo saaro tallaal xoojiye ah oo saddexaad.

Dr Tedros ayaa sheegay in tallaalka xoojiyeyaasha ah “ay door muhiim ah ka cayaari karaan” wax ka qabashada faafitaanka Covid-19, balse ay taasi tahay mid u baahan in muhiimadda koowaad la siiyo.

Dalalka ka tirsan barnamaijka qeybsiga tallaalka ee Covax ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay. Balse saraakiisha caafimaadka adduunka ayaa ka cabsi qaba inay mar kale soo laabato gabaabsiga toban milyan oo kuuro oo tallaalka ah sidii dhacdayba bartamihii sanadkan, tan oo ay qeyb ka ahayd Hindiya oo joojisay dhoofinta tallaalka xilli ay dalkeeda aad ugu bateen kiisaska xanuunka.

Dalalka saboolka ah, ayaysan weli dadka u nugul xanuunka qaadan tallaalka koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here