NRA oo loo aqoonsaday urur argagixiso oo Maraykanka gudahiisa ka jira

nrf

Maamulka magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka ayaa si rasmi “urur argagixiso oo dalka gudahiisa ka jira” u aqoonsaday ururka NRF ee u ol’oleeya in shacabku ay hub haystaan.

Guddiga San Francisco Board of Supervisors ayaa isku raacay cambaaraynta ururka ugu awooda badan marka ay timaaddo u ol’olaynta in hub la yeesho.

Arrintan ayaa dabo socota weerar toogasho ah lagu qaaday xafladda Gilroy Garlic Festival ee cuntada loogu dabaal dago oo ka dhacaysay koonfurta magaaladaasi, weerarkaas oo bishii Luulyo dhacay ayaana galaaftay saddex ruux.

Dimuqraadiyiinta ayaa badanaa ururka NRA ku eedeeya in uu huriyo toogasho wadareedyada.

Qaraarkan ayaa lagu yiri Maraykanka “waxaa hareeyay rabshadaha qorshaha loo adeegsado” ururka NRA ayaana lagu eedeeyay “in si baaxda leh ay dhaqaale ahaan iyo awooddii u ururkaba u adeegsadeen dhiirigalinta in hub la yeesho ayna huriyaan in dadka hubka leh ay dhibaato gaystaan”.

“Dal walba wuxuu leeyahay dad rabshoole yaal ah oo nacaybku sal dhigay, balse Maraykanka oo kali ayaa siiya nidaam diyaarsan oo ay ku heli karaan hub qaarkood uu waxyeelo baaxad leg gaysan karo, arrintaasna waxaa kaalin wayn ku leh National Rifle Association,” ayaa lagu yiri qaraar kaas.

Qaraarkaas ayaa sidoo kale ku baaqay in magaalada iyo dalku ay ka baaraan dagaan calaaqaadka ay la yeelanayaan shirkadaha la shaqaysta NRA.

Ururka NRA ayaa si caro leh uga jawaabay hadalkaas, wuxuuna sheegay in arrintaas looga gol leeyahay in indhaha looga weeciyo “dhibaatada rasmiga ah ee San Francisco haysata, sida hoy la’anta baahsan, isticmaalka daroogada, iyo dambiyada la galo ee cirka isku sii shareeraya.”

Catherine Stefani oo ka mid ah masulitiinta magaalada oo qoraalkan diyaarisay ayaa KTVU-TV u sheegtay “in NRA ay u jiraan in ay faafiyaan warar aan xaqiiqo ahayn, isla markaasna ay hubka gacmaha u galiyaan dad ay ogyihiin in ay na dhibaatayni oo na argagax galin doonaan.”

Magaalada San Francisco waxaa ka arrimiya xisbiga Dimuqraadiga.

Iyadoo telefeshinkaas la hadlaysa ayay Catherine intaas ku sii dartay in ay qoridda qaraarkan billawday ka dib weerarkii lagu qaaday xalfadda Gilroy Garlic Festival, iyadoo nin hubaysan uu dilay saddex ruux ka hor intii uusan isaguna is dilin.

Qaraarkan waxaa aad u dhaleeceeyay xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo hor istaagay inta badan dadaalladii lagu xakamayn lahaa hubka ay shaqsiyaadku qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here