Nuxurka khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey shirka guud ee QM

farmaajo5

Soomaaliya waxay la shaqeyneysaa saaxiibadeeda caalamka, si ay dadkeeda ugu dhisto dal dimoqraadi ah, loo dhan yahay, oo barwaaqo ah, waxaa sidaas yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad u jeediyey shirweynaha Golaha Guud ee QM.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado ka dhashay cudurka COVID-19, waxaan weli si xooggan uga shaqeyneynaa qabashada doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan uga gaari karaan mustaqbalkooda,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay sare u qaadidda iyo dhaqan-gelinta dhaqan dimoqraadi ah iyo isla xisaabtan dowladeed, oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inay guulo ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Waxaan si guul leh uga adkaaneynaa halista argagixisada caalamiga ah annaga oo adeegsaneyna ciidamadeena geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Amisom iyo saaxiibada caalamiga ah, si aan dunida uga dhigno meel nabdoon,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Waxaan ku kalsoonahay dadaallada dowladdeena iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibadeena caalamiga ah ee muhiimka ah.”

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in hoos u dhac dhaqaale xooggan iyo shaqooyin badan oo lumay ay ka dhasheen cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here