Nuxurka kulankii M Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

xasan iyo shiikh shariif

Shir jaraa’id oo goor dhow ku soo dhamaaday xarunta Madasha xisbiyada qaran ayaa lagu shaaciyay qoddobadii ay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jara’aid uga warbixiyay saxaafada kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay shir bilow ah guulna ku soo dhamaaday.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in qoddobo badan ay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo, balse muhiimadooda ay ahaayeen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada,dhowrista dastuurka,gobolka Banaadir,amniga iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Halkan hoose ka aqriso Nuxurka Wadahadalka labada dhinac;

1- Doorashooyinka;

Kulanka ayaa la isku raacay in doorashooyinka ay ku dhacaan xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka qeybqaataan,kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka.

2 –Khilaafka Dowlad Goboleedyada;

Waxa laga wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka jira  dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.

  • Dhowrista Dastuurka dalka;

Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.

4- Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda.

Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla oggolaadeen in  aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana aysan siyaasada ku milmin oo ay  ciidamada iyo hayadaha amnigana ka madax banaanaadaan siyaasada dalka.

5- Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali ka yahay ayuu sheegay.

6-  La Dagaalanka Al-Shabaab

Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.

Ugu dambeyntii waxaa laga sheegay shirka jaraa’id in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay xayiraadii loogu geystey Madaxweynayaashii hore ee dalka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here