Nuxurka War-murtiyeedka Shirka Dhuusamareeb 3

Madaxda dalka

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaar, oo ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku heshiiyay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ay noqoto Doorasho dadban oo degaamaysan.

War-murtiyeed ka soo baxay Shirka oo weli socda, ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo kaashanaya Dowlad Goboleedyada, ay fududeeyaan dhismaha guddi xulis ah, oo ka imaanaya Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Beesha kursiga wadaagta, islamarkaan Xildhibaan kasta ay soo doortaan 301 ergay.

War-murtiyeedka ,ayaa sidoo kale lagu xusay, in Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar Degaan doorasho, iyadoo Cod-bixiyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi oo hal goob doorasho wada yaal, ay si wadajir ah ugu codayn doonaan dhammaan Musharrixiinta Xisbiyada ku tartamaya Kuraastaas.

Sida Heshiiska ku cad, Degaannada aan Amniga ahayn waxaa Doorashadooda loo wareejin karaa Degaanno kale oo Amni ah, halka Kuraasta Somaliland lagu dooran doono Hannaankii doorasho dadban.

Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, waxaa isna soo dooran doona Baarlamannada Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaana Doorashada lagu geli doonaa Hannaanka Xisbiyada badan.

Heshiiska ay wada gaareen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dhuusamareeb ku shirsan, waxaa loo gudbin doona Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka, si ay sharci uga dhigaan.

Shirka waxaa ka maqan Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubaland ,waxaase War-murtiyeedka lagu sheegay in Madaxda shirsan ay ka go’antahay Xal u helidda Tabashooyinka Puntland iyo Jubaland, si ay Shirka ugu soo biiraan.

Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka Shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here