Odayaasha dhaqanka Mandhera oo ku biiray qorshaha Wasiir Janan looga saarayo magaaladaasi

cabdirashiid janan

Odayaasha & Waxgaradka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay walaac ka qabaan Ciidamo farabadan oo uu Magaalada ku dhex wato Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Waxaa ay sheegeen Odayaasha in dowladda Kenya ay soo dhaweyn siisey Janan iyo Ciidamada uu wato, isla markaana la dejiyey meelo kamid ah Mandheera, waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah looga saaro Magaalada Mandheera.

Odayaasha oo Shir Jaraa’id qabtay Magaalada Mandheera ayaa waxaa ay sheegeen Magaalada Mandeera ay tahay dhul Kenya,isla markaana aysan dooneyn inay gacantooda ku abuurtaan Amni darro iyo barakac.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa isaga oo ka jawaabayey hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Magalada Mandheera iyo Xildhibaannada laga soo doortey Magaaladaas oo ahaa in uu Magaalada isaga baxo ayuu beeniyey in uu ku sugan yahay Magaalada Mandheera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here