Pentagon-ka Mareykanka oo shaaciyey qiimeyn ciidamada DF iyo hawlgalka badbaado

pentagon

Ciidamada dowladda Soomaaliya weli diyaar uma ahan inay kaligood wajahaan kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaa sidaas lagu sheegay qiimeyn ay sameysay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Warbixinta qiimeynta, oo 11-ki bishan uu xafiiska baaraha guud ee Pentagon-ka u gudbiyey congress-ka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in inkasta oo waxoogaa guulo ah ay bilihii dhowaa gaareen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, haddana aysan horumar wanaagsan ka sameyn Howl-galka Badbaado.

Howl-galka Badbaado ayaa ah dadaal lagu xaqiijinayo amniga deegaanada ku yeella koonfurta Muqdisho.

Qiimeyntan ayaa timid ka hor qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee kuwa Soomaalida iyo Amisom ka caawiya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale su’aal gelineysaa hadafka taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ah in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ka hor 2021, taasi oo aan hadda muuqan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab weli ay haystaan talis iyo maamul wax ku ool ah, taasi oo ay caddeyn u tahay weeraradii kala duwanaa ee ay dhammaadkii 2019 ku qaadeen dhowr saldhig oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

Inkasta oo ciidamada xoogga dalka ay si guul ah saldhigyadooda uga difaacdeen Al-Shabaab, haddana AFRICOM waxa ay sheegtay inaysan sidaas awoodi lahayn, haddii aanay helin taageero militari oo caalami ah.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaqiiqda ah in dowladda Soomaaliya aysan maamulin dhul badan oo ka mid ah koonfurta ay macnaheedu tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda aysan gargaar gaarsiin karin meel ka baxsan Muqdisho.

Washington ayaa rumeysan in gargaarka uu lagama maarmaan u yahay si meesha looga saaro ku tiirsanaanta deegaanada qaar ee habka maxkamadaha Al-Shabaab, canshuuraha iyo sadaqada.

Waxaa sidaa kale xaaladda sii cakiraya, in Howl-galka Badbaado uu hadda hakad ku jiro sababo la xiriira xilli roobaadka, sida ay warbixinta xustay.

“Rubac dhammaadkii 2019, Al-Shabaab waxay muujisay awoodda ay ku fulin karto weeraro heer sare, dagaal-yahanno ku qoran karto, islamarkaana ku maal-gelin karto howl-galladeeda,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Bishii Janaayo, dagaal-yahannada Al-Shabaab ayaa weerar aroor hore ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee Kenya, halkaasi oo ay ku dileen hal askar iyo laba qandaraasle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here