Puntland iyo Jubaland oo qoraallo kooban kasoo saaray goaankii BF ee doorashadda

Deni iyo Madoobe

Qoraallo kooban oo kasoo kala baxay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga falceliyey go’aankii xildhibaanada Golaha Shacabku ay maanta ka gaareen doorashada Soomaaliya.

Ugu horeyn qoraal lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka Federaalku ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri qoralka Jubaland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Puntland ay aad uga xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyey sharci, kaas oo horseedaya laba sano oo mudo kororsi ah, kadibna la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo uu qabanayo guddigii doorashooyinka ee Xaliimo Yarey ay hoggaamineysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here