Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada

puntland logo

Dowladda Puntland ayaa shuruud adag hor dhigtay ka qayb-galka Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, oo la doonayo in Muqdisho lagu qabto.

War Qoraal ah oo Puntland soo saartay ayay ku dalbatay in la fuliyo Shuruudo dhawr ah, ka hor intaan la isu’gu imaan wada-hadal dambe oo ku saabsan Arrimaha Doorashada.

Puntland waxay dalbatay in la beddelo dhammaan Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya sida Booliiska, Milateriga iyo Sirdoonka, islamarkaana loo magacaabo Taliyaal lagu kalsoonaan karo, ah inta lagu guda jiro geedi-socodka wadatashiga.

Sidoo kale, waxay soo jeedisay in la sameeyo guddi xaqiiqo raadin ku sameeya Rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishan February 2021, islamarkaana kormeera dhaqan-gelinta geeddi-socodka Arrimaha Doorashada heer Federaaal.

Waxa kale oo Puntland codsatay in Beesha Caalamku ay dammaanad-qaad ka noqoto Fulinta Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee la saxiixay 17- September 2020 islamarkaana haatan la doonayo in lagu shaqeeyo.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here