Puntland oo beenisay in ay ciidamo ka goostay ku biireen Somaliland

cali sabarey

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in qaar ka mid ah ciidamadooda ay ku biireen ciidamada Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey oo magaalada Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeshiyo beeleed loo galiyay dareeska ciidanka oo hore halkaasi ku sugnaa.

“Majiro awood ay xilligaan Somaliland kula wareegi karto ciidamadeena balse gudaha Somaliland waxaa ka jira jahweerar siyaasadeed.”ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay ku sugan yihiin xeryahooda, isla markaana ay qaataan mushaaraadkooda.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamo lagu soo bandhigay magaalada Taleex ay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa degaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu ka dhex jiro khilaaf dhinaca dhulka ah ayaa waxaa hore ciidamadooda dagaalo ugudhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here