Puntland oo dad u soo qab-qabtay qarax ka dhacay Boosaaso

boosaaso1

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa nabad-sugida maamulkaasi ee loo yaqaano PSF-ta ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii qarax miino oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo askar uu ka dhacay magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysay howlgaladaan ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qab-qabteen tiro dad ah oo lala xiriiinayo inay ku lug lahaayeen qaraxaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in haatan su’aallo ay weydiinayaan shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalladaasi oo gacanta ugu jira ciidamada amniga.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Puntland ay bandow ku soo rogtay magaalooyinka maamulkaasi, si loola socda dhaq dhaqaaqa guud.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ayaa ku soo badanayey todobaadyadii la soo dhaafay deegaanada Puntland, kadib qarixii xoogana ee dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here