Puntland oo dhul siisay qaar kamid ah dadkii laga soo musaaruriyay Laascaanood iyo Ceerigaabo

puntland logo

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dhul siiyeen dadkii dhawaan laga soo musaafuriyay magaalooyiinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Duqa degmada Gaalkacyo qeybta Puntland Maxamuud Cabdi Nuur Adan oo BBC la hadlay ayaa sheegay in qoysaskii Gaalkacyo soo gaaray boqolkiiba 80 ay u gudbeen gobolada ay ka so jeedeen islamarkana qoysas soo haray oo kor u dhaafaya 300 ay imika dib u dajin u sameynayaan.

Waxaa uu intaa ku daray in qoysaskani ay sidoo kale haystaan raashiin ku filan bilooyiinka soo socda.

Wariyaha BBC-da Axmed Badar ayuu u waramay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here