Puntland oo dood culus ka keentay qodobo ku jiray heshiiskii Jabuuti (Aqriso)

puntland logo

Maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo todobadkii hore ka furmay caasimada dalka Jabuuti.

Puntland ayaa si adag uga hortimid in maamulka hawada go’aan looga gaaro wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadama aysan keligood ku koobneen, sida uu sheegay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa dood ka keenay in heshiis ay labada dhinac ka gaaran maamulka hawada, isagoona dalbaday in si siman loogu qeybiyo gacan ku haynta hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay inuusan maamulkoodu aqbaleyn waxkasta oo shirkaasi ku saabsan maamulka Hawada oo aysan qeyb ka aheyn Puntland.

“Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yiraahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin” ayuu yiri Wasiir Lugatoor.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxaa muhiim ah hawada in si simaan lagu qeyb-saado shirka Jabuuti ka dhacaya ee loo balansan yahay”.

Puntland ayaa hore u dalbatay inay qeyb ka noqoto wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, maadama ay dhul la wadaagto Somaliland, taas badalkeedana ay sheegtay inaysan aqoonsaneyn heshiis kasta oo kasoo baxa wada-hadalada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here