Puntland oo faahfaahin ka bixisay qarax ismiidaamin ah oo lagu dhaawacay G Gobolka Nugaal

wagp Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha Magaalada Garoowe.

Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo uu weheliyay Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli).

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir

Mudane Dhabancad, wuxuu intaas raaciyay in Guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacma, islamarkaana dhammaantooda lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Wasiirka oo wax laga weydiiyay in qaraxaas cid loo qabtay, ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan jirin cid loo qabtay balse ay socdaan hawlgallo lagu baadi-goobayo cidda ka dambaysay qaraxa.

Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here