PUNTLAND OO GO’AANNO ADAG KA SOO SAARTAY XAKAMAYNTA SICIR-BARARKA

siciid deni 182019

Xukuumadda Puntland, ayaa mar kale soo saartay go’aanno lagu xakamaynayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shiling Soomaaliga ee ka taagan degaannada Puntland, kaas oo saamayn ba’an u gaystay nolosha Bulshada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay in dowladdu go’aamisay in 10% canshuurta dekedda Boosaaso lagu qaado Shiling Soomaali, si looga jawaabo cabashada ka timid Ganacsatada.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale wuxu sheegay in xukuumaddu go’aamisay in $10 Dollar iyo wixii ka yar aan la isu’gu dirin Karin adeegyada Lacagta danabaysan sida Sahal iyo E-Dahab.

 Wuxu xusay in go’aankan dowladdu ku dhawaaqday, kadib soo jeedinta Guddigii arrimahan loo saaray iyo latashiyo badan oo dowladdu la sameysay Ganacsatada iyo dadka kashaqeeya arrimaha sicirka sarifka.

Hoos ka daawo Hadalka Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here