Guddigii dowladdu u xil-saartay ka tala-bixinta Arrimaha Sicir-bararka, ayaa maanta oo Sabtiya soo saaray go’aanno lagu xallinayo Sicir-barar ka dhashay qiima dhaca iyo diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, ayaa soo jeediyay in dowladdu mushaharka 20% ku bixiso Shilin Soomaali, islamarkaana dekedda 20% lagu canshuuro Shilin, si loo xakameeyo Sicir-bararka.
Sidoo kale, waxa Guddigu soo jeediyay in Shilin Soomaali badan lagu xereeyo Bankiga dowladda, si loo xasiliyo sicirka Sarrifka Dollar, taas oo soo celinaysa qiimaha iyo kalsoonida lagu qabo Shilinka.
Waxa kale oo Guddigu ku taliyay in Shirkadaha Isgaarsiintu dib u fasaxaan Lacagta Danabaysan ee lagu diro Mobile-ka, taas oo hore loo xannibay Hal Dollar iyo wixi ka yar.
Sicir-bararka ka dhashay qiima dhaca ku yimid Shilin Soomaaliga degaannada Puntland, wuxu saamayn ba’an ku yeeshay Nolosha dadka danyarta ah, kuwaas oo aan awoodin in ay wax ku iibsadan Lacagta Dollarka ah.
Halkaan hoose ka akhriso go’aannada Guddiga