Puntland oo jawaab kulul ka bixisay qoraalkii Farmaajo, shaacisayna goobta ay dooneyso in lagu shiro

madaxweyne siciid deni3

Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraalkii xalay kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Puntland ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay inay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisul wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta.

“Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay kale oo sheegtay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. 

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here