Puntland oo ka cudurdaaratay martigelinta shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

puntland logo

Puntland ayaa soo dhaweysay shirka wadatashiga doorashada ee ku baaqay madaxweyne Farmaajo, inkastoo ay sheegtay in aan lagala tashan.

Bayaan kooban oo madaxtooyada Puntland ku dhaabacday barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay in Puntland ku talinayso in shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.

“Puntland waxay soo dhoweynaysaa Shirka lagu baaqay 15 Feb, inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

Sida muuqata Puntland waxay ka cudurdaaratay martigelinta shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here