Puntland oo Madaxda DF ku eedeysay inay wadaan burburinta Puntland

puntland logo

Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeyay inay wadaan bur-burinta Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda sarre ee dowladdu ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa xukuumadda maamulka Puntland, oo ayadu muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladda federaalka ay rabshado ka abuureyso gudaha Puntland, islamarkaana ay kicin dadweyne iyo iska hor keen ka wadaan, sida u sheegay

“Waxaad ka wada dheregsan tihiin in magaalooyinka amniga ah oo ay ugu dambeeysay magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalalo ka abuuran, inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xad-gudbay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku eedeyay madaxda dowladda federaalka inaysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso, taasi bedelkeedana ay deegaanada Puntland ka wadaan abaabulka qalaalaso.

Wasiir Gallan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka aysan ku socon dhabadii saxda aheyd, islamarkaana aysan xiligan ku howlaneyn xal u helista doorashada, oo dadaaladeeda laga wado magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here