Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysay bannaanbaxii magaalada Dhahar

puntland logo

Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsan in ciidamada Puntland ay xabbad u adeegsadeen shacab bannaanbax nabadeed ka samaynayay magaalada Dhahar.

Af-hayeenka xukuumadda Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac oo ku magac dheer Deperani, ayaa sheegay in bannaanbaxa ka dhacay magaalada Dhahar ay abaabulkiisa lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Jaamac Dabaraani, wuxu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal ay doonayeen, in ay fowda ka ridaan degmada Dhahar, balse aysan ku guulaysan tallaabadaas, islamarkaana bannaanbaxii Dhahar aysan cidna khasaare ka soo gaarin.

Sidoo kale, wuxu beeniyay in ciidamada Puntland ay xoog iyo xabbad u adeegsadeen joojinta bannaanbaxa, isagoo tilmaamay in Ciidanku ay sugayeen Amniga shacabka ku bannaanbaxay magaalada Dhahar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here