Puntland oo shaacisay in DF ay duulaan dagaal ku tahay magaalo ka tirsan maamulkaas

WQPuntland Cqafaar Cilmi Xaange

Wasiirka Qorsheynta Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay duulaan dagaal kusoo qaaday deegaano ka mid ah kuwa hoostaga maamulkaas.

Wasiirka ayaa sheegay inuu socdo qorshe aan lagu dhawaaqin, balse ay Dowladda Federaalka muddada ku kordhineyso, taasoo sida uu sheegay ay xiggi doonto caburin iyo in lagu duulo qaybo ka mid ah Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa dadweynaha Soomaaliyeed inaan u sheego waxaa cad oo meeshaan la qarinayaa, oo aan horey loo sheegin oo Dowladda Federaalka aysan ku dhawaaqin, laakiin in badan laga hadlay waxa weeye, waxaa meesha ka socda ajande qarsoon oo ah ku darsasho,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa jirta, waana arki doontaa sababta ay Dowladda Federaalka u diidan tahay heshiiskan inay gasho oo u xagal daacineyso, oo hadba boorka isugu qarineyso wax kale maaha, waxaa weeye ku darsasho.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa taas barbar socdo marka ku darsashada la sameeyo in caburintii halkaa laga sii wado, dadka Soomaaliyeed-na qori leeskugu dhiibo. Meelaha dagaalka laga wado waxaa ka mid ah Gedo oo ciidamada lagu sii daabulayo.”

Wasiir Xaange ayaa ku waramaya inay xogta ku helayaan inay Dowladda Federaalka duulaan ku tahay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

“Waxaa hadda warbixinta nagu soo gaareysaa oo masuuliyiintan qaarkood ka hadleen meelo ka mida Puntland la rabo in weerar laga bilaabo, oo ay lahaayeen ciidamadii ayaa Burtinle la keenayaa. Nasiib-darro Somaliya cid xoog ku juujuubi karta ma jirto,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan in dadku ogaado qorshaha socda, isagoo intaa ku daray inaanan Soomaalida la khasbi karin.

“Waxa hadda socdo waa ajande qorsheysan, waxaan rabnaa inay dadku sii ogaadaan qorsheyaasha la qarinayo ee socda. Jujuub Soomaalida cid ku qabsan karto ma jirto.” Ayuu yiri Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Qorsheynta Puntland.

Dhowaan, ayaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aad ugu dhow Farmaajo waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku dhow yihiin Burtinle ayna soo qaban doonaan Senator Cabdiraxmaan Faroole, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here