Puntland oo shaacisay xiliga la fulinayo toogashada raggii lagu helay kiiskii Caasho yar

kufsadeyaal caisho

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa shaaciyey xilliga kama dambeysta ah ee xukunka dilka toogashada ah lagu fulin doono raggii lagu helay kiiskii Caasho Ilyaas Aadan.

Aw-Cismaan ayaa Telefishinka Puntland u sheegay in raggaasi oo gaaraya saddex la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee 11-ka bisha soo socota February 2020-ka.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu shalay wareejiyey galka fulinta xukunka oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska marxuumad Caasha Ilyaas Aadan.

Saddexda xukunsanaha ah ayaa kala ah: Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal, mida racfaanka iyo tan sare ayaa waxa ay xukun dil toogasho ku rideen raggaan, kadib markii lagu helay kiiskaasi.

Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa la’isugu daray kusfi iyo dil bishii February ee sanadkii hore 2019-kii, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here