PUNTLAND OO SHURUUDO ADAG KU XIRTAY KA QAYB-GALKA SHIRKA DHUUSAMAREEB

puntland logo

Xukuumadda Puntland, ayaa markii u horraysay si rasmiya u soo bandhigtay Mowqifka ay ka qabto ka qayb-galka Shirka Dhuusamareeb3.

Puntland, waxay ka qayb-galka Shirkaasi ku xirtay Shuruudo ay kamid yihiin, in marka hore la magacaabo Ra’iisul wasaare cusub, si loo helo Xukuumad Sharciya oo fulisa Qodobada lagu heshiiy.

Sidoo kale, waxay ku baaqday in Shirka ay ka qayb-galaan wakiilada Beesha Caalamka, si loo helo cid dammaanad qaadda Fulinta Heshiiska ka soo baxa Shirkaas.

Waxa kale oo ku baaqday in Shirka ay ka qayb-galaan dhammaan Saamileeyda Siyaasadda Dalka, islamarkaana go’aan loo dhanyahay laga gaaro Arrimaha Doorashooyinka soo socda.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here