Puntland oo soo gebagebaysay Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka

6kursi bfs ugudambeyey

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa dhammaystiray Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland.

Lixdii kursi ee u danbaysay 37 Xubnood ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Garoowe.

Xubnaha soo baxay ayaa dhammaantood loogu codeeyay hab gacan-taag ah kadib markii ay tartanka isaga hareen dadkii malxiisyada ugu qornaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ku guulaystay Kursiga Hop#199

Agaasima Wasaaradda Duulista Hawada Puntland Cismaan Cali Yuusuf ayaa ku guulaystay Kursiga Hop#198

Kursiga Hop#073 waxa ku soo baxay Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse.

Xildhibaan Sacdiya Salaad Xaaji Samatar ayaa mar kale ku soo baxday kursiga Hop#129 oo ay ku fadhiday shanti sano ee la soo dhaafay.

Kursiga Hop#191 ayuu isna ku guulaystay Eng Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato).

Kursiga Hop#221 waxa ku guulaystay Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) oo kamid ah Saraakiisha Hay’adda PMPF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here