Puntland oo war kasoo saartay rabshadihii Muqdisho ka dhacay

puntland logo

Puntland ayaa ka hadashay isku dhacyadii xalay iyo saaka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa ka amar qaata mucaaradka.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri ” Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed”.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan” ayaa lasii raaciyay qoraalka madaxtooyada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here