Puntland: Somaliland iyo Al-Shabaab wada socda ayaa ku soo wajahan Badhan

puntland logo

Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland S/Gaas Yaasiiin Cumar Dheere ayaa markii u horraysay todobaadkan socdaal ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Taliyaha ayaa shalay booqday difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland ee degmada Badhan gaar ahaanna saldhiga ay fadhiyaan ciidankii ugu dambeeyay ee ka soo wareegay Somaliland.

Jenanka oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa halkaasi ka sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo is-bahaystay ay doonayan in ay dagaal ku soo qaadan degmada Badhan iyo degaaannada kale ee gobolka Sanaag si ay u dhibaateeyan shacabka Puntland.

S/Gaas Yaasiin Cumar wuxuu ciidamada ku amray in ay u diyaar-garooban difaaca gobolka iyo ilaalinta shacabka maadaama sida uu sheegay ay Somaliland doonayso in ay dagaal ku qabsato gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here