Putin ma adeegsan karaa hubka wax gumaada?

vladimir putin

Madaxweynaha Poland ayaa su’aalo ka keenay in madaxweynaha Ruushka Putin uu dagaalka hadda socda ee Ukraine uu ku adeegsan karo hubka wax gumaada.

Madaxwenaha dalka Poland Andrezej Duda ayaa sheegay in waeerar ay Ruushku ku qaadaan Ukraine oo loo adeegsado hubka wax gumaada ay NATO u noqon karto qaab ay dagaalka ku soo gali karaan .

Dagaalka loo adeegsado hubka wax gumaada wuxuu soo dedejin karaa cawaaqib xumo iyo dagaalkii saddexaa ee dunida sida ay qabaan siyaasyiinta iyo dadka wax odorosa weyna adag tahay in labada dhinac ee Ruushka midkoodna uu ku degdego.

Madaxweynaha Poland wuxuu qabaa in aanu ku dhicin Putin isticmaalka hubka halista ah ee kiimikada iyo kan baylojiga laakiin uu Putin wax kasta oo kale sameyn karo.

Dagaalka haatan ee Ukraine qaabka uu u socdo Putin iyo madaxa adan oo katirsan militariga Ruushka kuma qanacsana waxayna u arkaan mid aan u dhicin sidii ay rabeen .

Dagaalku siyaasad ahaana Ruushka waa la go’doomiyey militari ahaana Ruushka guul weyn kama gaarin waana waxa dhibaatada ku haya Putin

Laakiin waxa isha lagu wada hayo ayaa ah su’aasha ah NATO side uga falceineysaa haddiiba hubkaa la isticmaalo , sideese caalamka ay u sameyn doonta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here