Putin ma waxa uu dib usoo celiyay awooddii Midowga Soofiyeetka?

vladimir putin

Soddon sano kahor, 25-kii December, 1991, Mikhail Gorbachev, oo ahaa hoggaamiyihii Midowga Soofiyeetka, ayaa is casilay isla markaana xilka ku wareejiyay Boris Yeltsin, oo noqday madaxweynaha cusub ee Federaalka Ruushka.

Habeenkaas, calan guduudan oo kan Soofiyeetka ah oo ay ku yaallaan calaamado ayaa laga dejiyay xarunta dowladda waxaana lagu beddelay saddex midab oo Ruushku leeyahay.

Maalintii xigtay Midowga Soofiyeetka ayaa aqoonsaday xornimada jamhuuriyadaha Soofiyeetka wuxuuna si rasmi ah u kala diray Midowga Jamhuuriyadaha Hantiwadaagga Soofiyeetka (USSR).

Dhicitaankii USSR, oo ahayd boqortooyo xowli ku socotay oo muddo 70 sano ah maamuleysay dhowr dalal isbahaystay isla markaana caalamka saameyn ku lahayd, ayaa adduunka ku keentay isbeddel.

“Ruushka wuxuu ahaa boqortooyo mana uusan ahayn dal,” ayuu BBC-da u sheegtay Mira Milosevich, oo ah falanqeeye Ruushka u dhalatay oo ka tirsan Machadka Royal.

“Marka, kaddib burburkii Midowga Soofiyeetka, Ruushka ayaa isku dayay inuu abuuro wax ay dadkiisu ku mideysan yihiin, balse aad ayay u adkeyd sababtoo ah Ruushka waa dal ay ku nool yihiin bulshooyin kala dhaqan ah,” ayay intaasi ku dartay.

Sanadihii 1990-meeyadii, Ruushka ayaa halgan u galay inuu mideeyo bulshada uuna hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Galbeedka.

Balse dhicitaankii USSR, muddadii ka dambeysay Dagaalkii Qaboobaa, Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah ee Galbeedka ayaa joojiyay inay Ruushka u aqoonsadaan “dal quwad leh,”.

Waxa ugu weyn ee ay u aaneynayeenna waa NATO oo isku ballaarineysay Bariga Yurub, oo ah meel loo yaqaannay inay Moscow maamusho.

Sida laga soo xigtay falanqeeyeyaasha, tani waa waxa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ula jeeday markii uu yiri jabkii Midowga Soofiyeetka waxay ahayd “duufaantii siyaasadeed ee ugu weneyd qarnigii 20-aad.”

“Waxaan noqonnay dal aad uga duwna sidii hore. Wixii aan soo dhiseynayna wax ka badan 1,000 sano waa la waayay.”

Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2000, Putin ma uusan qarin sida ay uga go’an tahay soo celinta sumcaddii Ruushka inuu ahaa quwadda adduunka kaddib sanado uu sumcad-dil kala kulmayay Mareykanka iyo isbahaysiga NATO.

Sida ay Mira Milosevich tilmaamtay, Putin ayaa ku guuleystay in Ruushka uu ka dhigo dalka adduunka ugu quwad badan.

“Putin ayaa qudhiisa isu arka mid Ruushka badbaadiyay,” sababtoo ah isku dayga Ruushka uu isbeddel dimuqraadiyadeed ugu sameynayay sanadihii 1990-meeyadii ayaa guuleystay waxaana jiray in Ruushku burbursanaa gebi ahaanba. “

“Putin ayaa Ruushka ku soo celiyay doorkiisii ahaa inuu ku lug lahaado arrimaha caalamka,” ayay tiri haweenaydan.

Putin ayaa sheegay in dalkiisa uu mar kale kusoo laabtay saaxadda dunida.

Soo shaac bixiddii Putin

Putin ayaa muddo 16 sano ah basaas u ahaa KGB kahor inta uusan xilka iska casilin sanadkii 1991 uuna ku biirin saaxada siyaasadda.

Kaddib markii Yeltsin uu is casilay sanadkii 1999, Putin ayaa noqday madaxweyne ku meel gaar ah, wax ka yar afar biloodna waxaa loo doortay madaxweynihii Ruushka.

Kaddib wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas kaddib hoggaamiyihii Soofiyeetka Joseph Stalin, oo geeriyooday 1953.

Isbeddel lagu murmay oo dastuurka lagu sameeyay bishii April ayaa u sahlay in mar afaraad xilka loo doorto.

Sidaa darteed Putin, oo 69 jir ah, ayaa xilka sii heyn kara ilaa sanadka 2036.

“Hagaag, gebi ahaanba way isbeddeleen. Qof Ruushka ku nool ma doonayo inuu soo jiidasho yeesho. Waxa ay doonayaan waa in dunidu ay aqoonsato Ruushka.”

“Haddii ay taasi tahay waxa uu Putin doonayo, waxaan filayaa inuu guuleystay,” ayay tiri Mira.

Awoodda Ruushka ee adduunka

Waa dalka ugu weyn dunida ee ballaciisu yahay in ka badan 17 milyan kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Waa dalka labaad ee ugu weyn dunida ee shidaal soo saara (markalaga soo tago Mareykanka) isagoo soo saara 10.27 milyan oo barmiil oo shidaal ah maalintii.

Waa dalka labaad ee ugu weyn ee leh hubka nukliyeerka, marka laga soo tago Mareykanka.

Waa dalka afaraad dunida ee lacagta ugu badan ku kharash gareeya gaashaandhigga. Sanadkii 2020 wuuxu ku kharash gareeyay $ 66,840 milyan doolar.

Ruushka wuxuu xubin buuxa ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuuna leeyahay codka diidmada qayaxan.

Awoodda gaashaandhigga

Kaddib markii uu burburay Midowga Soofiyeetka, Ruushka ayaa wuxuu la wareegay tiro badan oo hubka nukliyeerka ah oo Soofiyeetku lahaa.

Inkastoo dalkaasi uu yareeyay keydkiisa, weli wuxuu maamulaa xarunta labaad ee ugu weyn ee nukliyeerka.

Sanadkii 2018, khudbaddiisii sanadlaha ahayd, Putin ayaa sheegay inuu qorsheynayo hub cusub oo nukliyeerka ah.

Ruushka waxa uu tijaabiyay gantaalada riddada dheer ee Sarmat, iyada oo sidoo kale sare u qaadday hubkeeda Nuyuukleerka.

Sida uu sheegay machadka nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm , Ruushka waxa uu haystaa wax ka badan 50 madax oo hubka Nuyuukleerka xambaara. Taasi waxa ay keentay in adduunyada ay ka baqdo Ruushka.

Xiriirka Caalamiga ah

Horumar weyn ayaa laga sameeyay xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan dalalkii horeyba ugu xirnaa Ruushka, gaar ahaan kuwa Laatiin Amerika ku yaala. Iyada oo la hirgaliyay mac-hadyo heer caalami ah oo horey uu u adeegsan jiray Midoowgii Soofiyeetka.

Sida uu qabo qabiir ka tirsan mac-hadka Elcano, Putin waxaa kale oo u suurtogashay in uu awood badan ku yeesho Bariga Dhexe isaga oo aysan kaga bixin qarashkii Maraykanka ka baxay oo kale.

Ruushka waxa uu ka mid yahay shanta awooddood ee leh codka diidmada Qayaxan, taas oo ah arrin laga dhaxlay Midoowgii Soofiyeetka.

Meelaha uu ku liito

Awoodaha ciidanka, xirfadda diblumaasiyadeed iyo guulaha xiriirka caalamiga ah , dhammaan arrimahaasi oo dhan waa qarin waayeen fashilka Ruushka ka haysta gudihiisa, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha , kaas oo waxa ugu weyn ee uu ku tiirsanyahay ay yihiin dhoofka tamarta.

Musuqo, adeeg xumada dhanka dadweynaha iyo qalalaasaha bulsho ayaa ah kuwa hareeyay Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here