Qaadacaadda Faransiiska: Dalka afraad ee ugu Muslimiinta badan dunida oo dibadbaxyo ka dhaceen

Bangladesh banaanbax

Tobanaan kun oo dad ah ayaa socod ku maray caasimada Bangladesh ee Dhaka, iyagoo dalbanaya in la qaadaco badeecadaha Faransiiska xilli khilaaf ka taagan yahay mowqifka adag ee Faransiiska ka taagan yahay Islaamka xagjirka ah.

Waxay gubeen sawirada madaxweyne Emmanuel Macron, oo difaacay kartoonadii Nabi Muxamed NNKH.

Booliska ayaa dibadbaxayaasha ka horjoogsaday inay gaaraan safaaradda Faransiiska.

Waxay hadda u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu wajahayo wejiyada careysan iyo aragtido adag oo kaga imaanaya Dunida Islaamka.

Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris.

Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka.

Isniintii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sidoo kale ku baaqay in la qaadaco alaabada Faransiiska.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Laakiin dowladaha Yurub oo dhan waxay u soo baxeen taageerida Mr Macron waxayna cambaareeyeen hadalada Mr Erdogan ee ku saabsan hogaamiyaha Faransiiska.

Maxaa ka dhacay magaalada Dhaka?

Booliisku waxay ku qiyaaseen in ilaa 40,000 oo qof ay ka qeybgaleen socodkan, oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga Islami Andolan ee Bangladesh, oo ka mid ah xisbiyada Islaamiga ah ee ugu waaweyn Bangladesh.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “Qaadac alaabooyinka Faransiiska” waxayna ku baaqayeen in madaxweyne Macron la ciqaabo.

“Macron waa mid kamid ah hogaamiyaasha kooban ee caabuda Shaydaanka,” hogaamiyaha sare ee Islami Andolan Ataur Rahman ayaa u sheegay dibad baxayaasha.

Wuxuu ku booriyay dowladda Bangaladhesh inay dalkeeda ka saarto safiirka Faransiiska.

“Faransiisku waa cadowga Muslimiinta, kuwa iyaga matalaana sidoo kale waa cadawgeenna,” ayuu yidhi Nesar Uddin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga.

Booliska ayaa adeegsaday silig adag si ay u xiraan waddo qiyaastii seddex mayl (5km) u jirta safaaradda Faransiiska, iyaga oo ka fogeeyay socodka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan.

Maxay arrintani salka ku haysaa?

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”

Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka.

Falcelinada kale ee hadalka Macron

Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso kartoonadii nebi Muxamed NNKH, laakiin ma aysan xusin Faransiiska magacooda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in waddanku “uu ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in la isla xiriiriyo Islaamka iyo argagixisada” iyada oo intaas ku dartay in sidoo kale “ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimo, iyada oo aan loo eegin dambiilaha”.

Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa ku eedeeyay Mr Macron inuu kicinayo muslimiinta, asaga oo sheegay in madaxweynaha faransiiska asaga laftiisu uu umuuqdo argagixiso.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Axadii ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska inuu “weerarayo diinta Islaamka”, halka wax soo saarka Faransiiska laga saaray dukaamada qaar ee Kuwait, Urdun iyo Qadar. Waxa kale oo mudaharaadyo ka dhaceen dhawr wadan oo kale oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Libya iyo Syria.

Si kastaba ha noqotee, hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Faransiiska. Jarmalka wuxuu ka hadlay in “midnimo” loo muujiyo Mr Macron kadib hadaladii Mr Erdogan, iyadoo afhayeenka dowlada Steffen Seibert uu ku tilmaamay hadaladaas kuwo sumcad dil ah sidoo kalana aan “gabi ahaanba aan la aqbali karin”.

Dhanka kale Raiisel wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in Netherlands ay “si adag u garab taagan tahay Faransiiska iyo qiyamka wadajirka ah ee Midowga Yurub”, halka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte uu isna “midnimo buuxda” u muujiyay Mr Macron.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here