Qaadkii Kenya oo loo fasaxayo suuqii Soomaaliya iyo DF oo shuruud adag ku xirtay

qaad

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in ay dib u bilaawdaan duulmaadyada diyaaradaha jaadka ka keeni jiray Kenya ee imaan jiray Soomaaliya, kuwaas oo horay loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen keenista qaadka,isla markaana ay dowladda Soomaaliya fasaxday,balse shuruud lagu xiray.

Reporteradmin

Waxaa uu sheegay in shuruudaha ay Dowladda Soomaaliya ku xirtay ay kamid yihiin kordhinta canshuurta laga qaado qaadka Soomaliya ay Kenya kento , lagana dhigo 1-kg ($3.5) halkii markii hore ay ka aheyd ($1) iyo in sidoo kale dadka qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir, xirtaana gacmo gashi iyo weji xir si looga hortago xanuunka COVID-19.

War kaan kasoo baxay Ganacsatada ( jaadka ) Kenya ayaa weli Dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadlin,hayeeshee Warar la helay ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya ay shalay ogolaadeen.

Qaadka (jaadka) ay kenya keento dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka Ganacsada Soomaali farabadan, kuwaas oo ku maareeya Nolosha qoyskooda,waxaana duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee la joojiyay uu dadkaasi ku yeeshay saameyn ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here